Waxa soo saaray: (Amplifying civil society voice on GBV coalition members in Somaliland)

Gudniinka hadda jira ee gabdhuhu waa goo-goynta qayb ahaan ama gebi ahaanba xubinta taranka ee inanta yar ama gabadha yar; iyadoon wax ujeedo caafimaad ah laga lahayn ama loo samaynahayn. Caalamku wuxuu isku raacsanyahay inay tahay xad gudub ba’an oo lagu sameeyey xuquuqda caafimaad ee xubinta taranka Gabdhaha maadaama ay keento dhibaatooyin caafimaad oo tiro badan oo la nool haweeneyda nolosheeda oo dhan. Gudniinkan waxaa laga fuliyaa wadamo badan oo Afrika ku yaala balse Somaliland waxay ku jirtaa kuwa ugu daran, maadaama 99.8% hablaha ka weyn 15ka sano ay maraan gudniinkan dhibaatada leh.

Hay’adda caafimadka aduunku waxay u kala qaybisay gudniinka afar (4) qaybood; balse qaybta 2aad iyo 3aad ayaa si weyn looga sameeyaa Somaliland; kuwaas oo keena dhibaatooyin caafimaad oo tiro badan sida dhiigbax, caabuq, moxog iyo dhabar xanuun joogto ah, isu-furan, burooyin kasoo baxa xubinta taranka haweenka, dhibaato xilliga dhalmada gaadha hooyada iyo ilmaha-ba iyo dhibaato maskexeed ama nafsi ah oo soo gaadha hooyada ama inanta.

Maadaama adeegga caafimaad ee dawliga ahi aannu xooganayn dhibaatooyinkan hoos ku taxan ayaa Aalaaba lagu arkaa xarumaha caafimaadka sida cusbitaalada dhalmada, xannaanooyinka, dhakhaatiirka haweenka iyo xarumaha talobixinta:

  • Dib-ufurid ama dib u tolid: Maadaama xilligii gudniinka si ba’an loo jar-jaray loona tolay xubinta taranka ee haweeneyda waxaa qasab ah in dib loo furo xilliga guurka; taas oo dhibaatadeedu u caddahay cidkasta iyo weliba in dib loo jaro loona tolo xilliga ay hooyadu umusho maadaama si ba’an loo dhallan rogay qaabkii ilaahay ugu talo galay in ilmuhu usoo dhaafo xubinta taranka.
  • Dhalmada oo khalkhasha: Maadaama xubintii taranka si xad-dhaaf ah loo xidhay waxaa khal-khasha hab dhiskii ilaahay ugu talo galay in ilmuhu ku calool galo kuna dhasho sida dhuumihii oo awdma IWM. taasina waxay keentaa dhalmada Ilaah baa bixiyee in haddana hooyadu ilma qaadi weydo oo u baahato adeeg caafimaad.
  • Xilliga foosha iyo qalliinka dhalmada: Hooyooyinka qaar ayaa yimaada xarumaha dhalmada iyaga oo ay adagtahay inay si caadi ah u dhalaan, maadaama kala bixii ilaahay ugu talo galay xubinta la wax yeelleeyey, markan waxay badi dhakhaatiirtu go’aamiyaan in qalliin lagu sameeyo hooyada si ilmaha iyo hooyadaba loo badbaadiyo. Foosha oo raagta ayaa ka mid ah wax yaabaha dhakhaatiirtu ku qaataan qo’aanka qallinka hooyada, maadaama marin kii ilmaha ilaahay ugu talo galay laga lumiyey kala bixii dabiiciga ahaa. mararka qaarna fiix ayaaba kasoo baxday xubintii la gooyay taasoo khasab ka dhigta in hooyada qalliin loo sameeyo IWM (warbixinta Cusbitaalka Edna)

Adeegga caafimaad ee dawliga ahi kuma filna ama umaba habaysna taakuleynta hooyooyinka la nool dhibaatadan Gudniinka ee laga yaabo intooda badani inay sabool yihiin, balse waxaa jira goobo gaar loo leeyahay sida Cusbitaalada Edna iyo Allaale iyo goobaha talo bixinta gudniinka ee Hargaysa, Boorama iyo Burco ee Dallada NAFIS oo bixiya la talin, gudbin (referral) iyo daaweyn; balse maaha wax ku filan haweenka ay dhibtu ka soo gaadhay gudniinka, mana aha wax ay wada heli karaan dhamaan haweenku maadaama ay ku koobantahay uun magaalooyinka waweyn qaarkood.

Isbahaysiga ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland ee u dagaalama dabargoynta tacaddiyada ka dhanka ah haweenku wuxuu soo jeediyanaa qodobadan hoos ku qoran si xal waara loogu helo dhibaatada caafimaad ee gudniinka gabdhaha:

ü Maadaama aan loo samayn gudniinkan gabdhaha ee hadda jira baahi caafimaad iyo gudasho waajib diini ah; waxaa innugu waajib ah bulsho ahaan inaynu joojino oo go’aan adag ka qaadanno, gaar ahaan dadka taladu ka go’do sida dawladda, culimada iyo hogaamiyayaasha dhaqanku waa in ay door muuqda ka qaataan joojinta caadadan dhibaatada xambaarsan iyagoo kasoo saaraaya sharci lagu xakameeyo IWM.

ü Adeegga caafimaadka dawliga ah waa in uu ahmiyad gaara siiyaa adeegyada iyo taageeridda hooyooyinka la dhiban gudniinka; iyadoo la siinaayo talobixin, daaweyn iyo wacyigelin wax ku ool ah oo laga heli karo badi xarumaha caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee goob kasta.

ü Waalidku si gaara waa in uu go’aan uga qaataa caadadan iyaga oo ka daynaaya hablohooda gudniinkan waxyeelada leh.

Waxa soo saaray: (Amplifying civil society voice on GBV coalition members in Somaliland)

No comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *