Tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabadhaha ayaa noqday arrin sii guud layskula qaatay in uu cawaaqib xumo ku leyahay bulshada, dhaqaalaha iyo dadka si gaar ah. Heerka Kiisaska Kufsiyada ka dhaca Somaliland waxay noqdeen mid aad u kordhay Sanadadii  la soo dhaafay. Isbahaysiga ka hortaga Tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo hablaha oo ah u doodaha ugu weyn daneeyayaasha ka shaqeeya tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo hablaha Somaliland, Isbaheysiga wuxu u  doodada ansixinta Sharciga lagu xakamaynayo tacadiyada ka dhanka ah haweenka, sharciga ka joojinta gudniinka hablaha, iyo hirgalinta siyaasada Jinsiga ee Somaliland; Waxay qabteen kulamo taxane ah, sidoo kale waxay soo sareen warsaxaafadeedyo maqaallo lagu daabacay  wargeysyada, dood lagu qabtay TV  iyo raadiyaha waddanka  kuwaas oo lagu dalbanayo dhamaantoda sidii loo ansixin laha sharciga Dembiyada kufsiga iyo tacadiyada la xidhiidha ee (Xeer Lam. 78/2018). Isbahaysiga ka hortaga tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo habalah  ee Somaliland waxay qabteen   kulan   bisha Diseembar 2020 si looga wada hadlo arrinta la xiriirta kiisaska Kufsiga ee ku soo kordhaya Somaliland.

Si Xal deg deg ah, iyo dhex dhexaadinta logu helo qoysaska dhibanayaasha iyo qabiilooyka dambiilayaasha, xeer dhaqameed ayaa loo adeegsada intaa lagu jiro xalinta kiisaska la xidhidha kufsiga,   ururada bulshada rayidka ah iyo kuwa kale ee difaaca xuquuqda aadamaha waxay u arkeen in sharcigani in uu ka qayb qataay kor u kaca kufsiga  ka dhaca Somaliland, xal warana keeni wayay, waxana loo arkay in uu fursad siinayo  dambiilayaasha,  sharcigan lama xisaabtamo dhibgaystaha sii shaqsi ah, mana jirto haba yaraatee wax ciqaab ah oo lagu qaadayo kuwa falka geystey; kaliya waxaa la siinayaa dhibanaha magdhaw laga qaado ehelka dhibgeysta, waxanu ku qasba  dhibbanayaasha si ay u guursadaan dambiilaha, tanina waxay ka hortegaysa in uu helo qofka dhibanaha cadaalad dhamaystiran, wuxuna duudsinaya xuquuqda ay leyihin Haweenka ku nool bulshada Soomaaliyeed inay helaan sharci iyo cadaalad rasmi ah. Isbahaysiga tacadiyada ka dhanka haweenka ee Somaliland waxay ka wada hadleen kiisaska kufsi ah oo   dhowaan ka dhacay Somaliland, waxayna aad ugu bogeen doorkii ay ka ciyareen kana jawaab celiyeen haweenka ku nool magalada burco 23kii Nofembar iyagoo dalbanaya in caddaalad la siiyo Hodan Saciid, oo ahayd Gabadha yar oo 18 jirka ah ayaa lagu kufsaday laguna dilay Gumburaha duleedka magaalada Burco, waxaana la sheegay in ehelkeeda ay diideen in la aaso maydka ilaa laga helo kuwii ka dambeeyay dilkaas[1].

11 Oktoobar Zakaria waxa lagu  eedeeyay in uu gesytay kufsi iyo dil hooyo leh saddex carruur ah, waxa jira dadaalo soo kordhayaa oo ay sameysay dawlada Somaliland  taas oo ay kaga jawaabayso kiiska kufsiga ee ka dhaca wadanka. Maxkamada gobolka Togdheer waxay dil ku xukuntay ninkaas lagu magacabay Zakariye Axmed kaas oo lagu soo edeyey in uu geystay kufsi iyo[2]. Isla waqtigaasna, maxkamadda gobolka Saraar waxay xukun ku riday nin lagu eedeeyay inuu kufsaday oo dilay Hodan Saciid. Hodan waxay ahayd 18 jir gabdho reer miyi a ah oo ku nool gobolka Saraar ee Somaliland. dhacdooyinka tacadiyada ka dhanka ah Haweenku waa mid sii kordhay muddadi lagu jiray Xanuunka COVID-19, Waxa ay warbixinuhu sheegayaan in ay dhaceen kiisas kufsi ah,sidoo kale warbixinuhu waxay sheegayaan in Kiisaska kufsigu uu kordhay sanadkii la soo dhafay ee 2020, waxayna noqotay mid aad u daran xilligii cudurrada faafa ee COVID-19.waxa kor u kacay Kufsiyada lagula kaco haweenka iyo hablaha; rabshadaha ku saleysan jinsiga eek a dhaca  qoysaska dhexdooda kaas oo  uu sababay isbedelka ku dhacay maasuuliyada qoyska,isticmaalka maandoriyaasha iyo shaqo la,aanta. Waxa la soo bandhigay goobaha ugu muhimsan ee ay ka jirto god-dolooyinku Sharciga cusub ee kufsiga iyo sinada ee ay dhawaan ansixiyeen gollaha wakiilada Somaliland iyo meelaha isbedelka laga sameeyey xeerkii hore ee  (Xeer Lr. 78/2018).

Sharciga cusub ee u ansixiyay goolaha wakilada Somaliland, maha mid u muqda in uu difaacayo dadka aad u nugul, wuxu kaliya ee u oggolaanayaa dowladda inay dabagal ku sameyso oo ay si sax ah ula macamisho kuwa geysta xadgudubyada galmada. Maqaalka ayaa muujiyey in hababka cadaaladda ee Somaliland ay yihin qaar  dhexgalayaan tanina ay noqotay mid aad u adag in wax laga qabto tacadiyada ka dhanka ah haweenka Somaliland, waxay abuurtay in lagu wareero, nidaamyadan isku soo noqnoqanayaa, sidoo kale waxaa la soo bandhigay Muhimada ay ledahay in wax ka bedel lagu sameeyo Sharciga Kufsiga, Sinada, iyo Sharciyada Dembiyada Kale ee La Xiriira (Xeer Lr. 78/2020). Qoraalkan waxaa lagu soo  bandhigayaa talo soo jeedin ka socotaa Isbahaysiga tacadiyada ka dhanka ah haweenka Somaliland. waxayn  soo jeedinayaan in  sharciga cusub waa in uu noqda mid leh shurudaha hoos ku xusan; sharcigu waa in uusan ku xadgudbin shareecada islaamka waana inuu waafaqsanada dastuurka Somaliland, sharciga waa inuu ahaadaa mid cad oo si fudud loo fahmi karo, waana in mudada sharcigu cadahay sidoo kale; Sharcigu ma buuxinayo dhammaan shuruudaha sharciga, kuma qorna luuqad sharci ah oo la fahmi karo. Isbahaysigu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynaha Somaliland Mudane. Muuse Biixi iyo Barlamaanka Sare in ay tixgalin siyaan sharcigi horee (Sharciga Lr. 78/2018), sidoo kale waa in waxka bedel lagu sameeya xeerka cusub sii loo waafajiyo ee sii kordheysa Somaliland; si loo helo deegaan nabdoon oo haweenka iyo gabdhaha nabad ku noolaadaan.

 

[1]  https://radiorisaala.com/gabar-kufsi-dil-loogu-geystay-burco-banaanbax-ka-dhashay/

[2] https://heemaalnews.com/somaliland-oo-xukun-adag-ku-riday-nin-kufsi-iyo-dil-ka-gaystay-burco/

No comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *