Create AI

Odayaasha dhaqanku wax ay door muhiim ah ka ciyaaraan hogaaminta iyo maaraynta bulshada ay u yihiin Hogaamiye Dhaqameedka. Waxay yihiin dadkii dhaqanka soo ilaaliyay, xeerarka sooyaalka ah u dejiyay beelaha dhexdooda. Waxayna saameyn weyn ku leeyihiin arrimaha bulshada, gaar ahaan ilaalinta xuquuqda haweenka. Marka la eego dhaqamada kala duwan ee bulshadeena, odayaasha dhaqanka waxay awood u leeyihiin inay horseedaan isbeddel togan oo ku aaddan ilaalinta iyo kor u qaadista Xuquuqda haweenka.

Qeyb ka mid ah Do

orarka Odayaasha Dhaqan

ka Ay ka Ciyaari karaan Ilaalinta Xuquuqda Haweenka:

1. Horumarinta Wacyiga Bulshada:
Odayaasha dhaqanku waxay awood u leeyihiin inay bulshada ku wacyigeliyaan ilaalinta xuquuqda haweenka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa ka hortaga la dagaallanka tacaddiyada ay la kulmaan. Marka ay odayaashu si cad uga hor yimaadaan dhaqamada dulmiga ku ah haweenka sida gudniinka fircooniga ah (FGM) iyo guurka degdega ah, bulshada inteeda kale waxa hubaal ah in ay ka tegi karaan ama u arki karaan Arimo laga gudbikaro oo aan ku habooneyn la jaanqaadka noloshooda.

2. Doorka Xalinta Khilaafaadka iyo Cadaaladda Bulshada
Odayaasha dhaqanku waxay door weyn ka ciyaaraan xalinta khilaafaadka, oo ay ku jiraan kiisaska ka dhanka ah haweenka sida kufsiga oo kale. Haddii odayaashu qaataan mowqif cadaalad ah oo ka qaataan kiis kasta oo salka ku haya dulmi ama dhaqamo soo jireen ah oo aan sal iyo raad kulahayn diinteena suuban ee lagu dhibaateeyo haweenka, waxay gacan ka geysan karaan in haweenku helaan xuquuqdooda oo aysan la kulmin cadaalad-darro.

3. Ka Hortagga Tacaddiyada loo Geysto Haweenka
Dhaqamada qaar, sida guurka qasabka ah iyo takoorida haweenka,dhaxalka oo loodiido,meherkoo lasiin waayo iyo kala doorbidida jinsiga (Wiil iyo Gabadh) waxaa la odhankara waa caado soo jireen ah. Haddii odayaasha dhaqanka ay si firfircoon uga shaqeeyaan la dagaallanka dhaqamadaas, waxay badbaadin karaan kumanaan haween ah oo la kulmi lahaa tacadiyadaa kala duwan. Sideynu wada ognahay waalidiinta Ayaa badi mudnaanta siiya wiilasha markay timaado, waxbarashada,fursadaha ganacasi ama taageere nololeedba.Odayasha dhaqanku waxay door muhiim ah ka ciyaari karaan joojinta dhaqankan taban,iyagoo dhiirigelinaaya sinaanta fursadaha u dhexeeya wiilasha iyo gabdhah.

4. Hoggaanka Bulshada iyo Matalaad Haweenka
Odayaasha dhaqanku waa hogaamiyaal bulshada u ah tusaale ay kudeydaan. Haddii ay dhiirrigeliyaan xuquuqda haweenka, bulshadu waxay si tartiib tartiib ah u aqbali doontaa in haweenku helaan doorkooda saxda ah ee bulshada iyo kaalintooda kaga adanba. Waxaa sidoo kale muhiim ah in odayaashu dhiirrigeliyaan ka-qaybgalka haweenka ee hoggaanka soyaasada iyo go’aan-qaadashada loodhanyahay ee qoys iyo qaranba.
Markasta oo ay haweenku helaan metelaad dhamaystiran oo goloyaasha qaranka ah waxaa hubaal ah in tacadiyadu hoos udhicidoonaan maadama oo codkooda iyo tabashadoodu meel dheer gaadhi karto.

5. Xoojinta Shareecada Islaamka iyo Sharciyada Difaacaya Haweenka
Odayaasha dhaqanku waxay taageero siin karaan sharciyada la dagaallamaya tacaddiyada ka dhanka ah haweenka. Haddii ay kaalin mug leh ka qaataan hirgelinta sharciyadaas, waxay xaqiijin karaan in haweenka la siiyo xuquuqdooda oo dhamaystiran. Waxay sidoo kale kaalin mug iyo miisan leh ka qaadan karaan dedaalada lagu dabar jaraayo tacadiyada ka dhanka ah haweenka.

Gabegabada iyo Gunaanadka
Odey dhaqameedku waa tiir muhiim u ah sugidda xaquuqda Haweenkan. Wana laf-dhabarta bulshada, waxaana laga doonayaa in ay hormuud u noqdaan ilaalinta xuquuqda haweenka. Haddii ay si dhab ah uga shaqeeyaan sidii loo baabi’in lahaa tacaddiyada iyo cadaalad-darrada ka dhanka ah haweenka, waxay suuragelin karaan bulsho horumarsan oo sinnaanta iyo cadaaladda ku dhisan kana dheer dulmi iyo is ,musuqmaasuq. Waxaa muhiim ah in odayaashu garwaaqsadaan doorkooda muhiimka ah oo ay hormuud u noqdaan isbeddela togan ee lagu ilaalinaayo xuquuqda haweenka Alle siiyey.
Sideynu wada ognahay haweenku waxay kaalin muhiim ah kaga jiraan dhisida iyo kobcinta qofkasta,qoyskasta iyo Qarankastaba sidaa daraadeed marna ma geyaan in lagula kaco gef iyo gabood fal iskabada in Xaquuq Alle siiyey laga duudsiyee.

W/Q. Saalax Maxamed Warsame (Saalax Cadami)