Dumarku waa laf-dhabarta horumarka bulsho kasta. Marka haweenka loo furo fursado ay ku baran karaan xirfadaha gacanta sida tolmaha, quruxinta haweenka, xirfadaha la xidhiidha tinolojiyada,  cunto karinta, samaynta alaabta guryaha iwm . Waxay noqon kartaa waddo muhiim ah oo ay ku gaadhaan madax-bannaani dhaqaale, una noqdaan laf-dhabarka nolosha reerka iyo bulshada guud ahaan.

Maxay Tahay Xirfadda Gacanta?

Xirfadaha gacanta waa awoodaha qofka uu leeyahay ee uu si toos ah ugu shaqeysan karo isaga oo aan u baahnayn waxbarashada tooska ah ama tiknoolajiyad adag. Waxay ku salaysan tahay karti iyo tababar fiican, waxaana lagu horumarin karaa iyadoo la  siinayo koorsooyo gaagaaban, shaqo-barasho ama tababaro xirfadeed.

Faa’iidooyinka ay u leedahay haweenka:

  1. Kordhinta Dakhliga Qoyska iyo Qaranka:

Haweenka xirfadaha leh waxay si toos ah u abuuri karaan dakhli iyaga oo aan sugaynin fursado shaqo rasmi ah. Tusaale ahaan, haweeney tolmaha ku  fiican ama cunto  karinta ku wanagsan waxay iibin kartaa adeeggeeda ama alaabteeda. Sidoo kale waxay yareeyaan ku tiirsanaanta deeqaha ama kaalmooyinka, taasoo hoos u dhigaysa saboolnimada kordhinaysana wax soosaarka wadanka.

  1. Kobcinta Kalsoonida Nafta:

Xirfaduhu waxay ka caawiyaan haweenka in ay kor u qaadaan kalsooniidooda nafteeda, hankooda  iyo in ay raadiyaan dhaqaale madax banaan oo u suurta galinaysa in ay bulshada wax la qaybsadaan.

  1. Kor u qaadidda Xuquuqda Haweenka:

Haweenku waa qaar u nugul tacadiyada marka ay hooseyso aqoontooda,wacyigooda iyo dhaqaalahooduba, barashada xirfaduhu waxay ka caawinayaan haweenka in ay kobciyaan arimaha aynu kor ku xusnay yeeshaana awood ay ku raadsadaan xuquuqdooda iyo in ay helaan xog ku filan.

 Caqabadaha ka haysta barashada xirfadaha:

  1. Xadidnaanta dusigayada lugu barto xirfaha ee dalka.
  2. Xirfadaha oo aan u diyaarsanayn haweenka ama ah kuwa tiradoodu yartay.
  3. Suuqa shaqada oo aad u xadidan ama aan dhiirigalin haweenka.
  4. Fursaha maalgalinta haweenka oo yar.

 

Gabagabo:

Barashada xirfadaha gacantu waa furaha xorriyadda dhaqaale ee haweenka. Marka la maalgeliyo haweenka, waxa la maalgeliyay mustaqbal bulsho dhan. Waxaa muhiim ah in la taageero haweenka Soomaaliyeed si ay u noqdaan kuwo isku filan, madax-bannaan, una horseeda horumar ballaadhan oo ay bulshadooda la wadaagaan.

WQ: Samiira Maxamed