Magacaygu waa Riyaq Maxamed Ciise, waxaan ka imid Xafad Soomaal, magaalada Ceerigaabo. Riyadaydu waxay ahayd in aan barto xirfadda qurxinta, nasiib darro, ma aanan helin fursad aan ku barto, sababtu waxay ahayd in fursadahani ahaayeen kuwo kooban oo helitaankoodu adkaa.

Hase ahaatee, waxaan ka maqlay guddiga maamulka xaafadda war farxad leh oo ah in ay jirto hay’ad la yiraahdo Somaliland Y-PEER oo bixisa tababarro iyo xirfado ay ka mid yihiin kuwa qurxinta dumarka. Kadib waxaan ka codsaday guddiga in ay ii oggolaadaan in aan ka qaybgalo tababarka, waanay aqbaleen.

Waxaan baranayay xirfadaha qurxinta muddo saddex bilood ah. Waxaan baranayey sida loo mariyo xinnaha, sawiridda caleemaha qurxinta ee xinaha, farsamooyinka la isku qurxiyo (make-upka) iyo farsamooyinka maydhista lugaha iyo dhammaan mashiinnada aasaasiga ah ee qurxinta. Sababta ugu weyn ee aan u baranayay xirfaddan waa in aan marka hore horumariyo naftayda, kadibna aan caawiyo qoyskayga, anigoo abuuraya il dhaqaale si aan xubin wax soo saar leh uga noqdo qoyskeyga maadaama ay tahay xirfad leh fursado badan oo shaqo abuur, laga samayn karo lacag, sidoo kalena ku habboon inaad meel kasta ku qaban karto.

Sida aan soo sheegay, hore umaan lahayn wax aqoon ah oo ku saabsan xirfadahan laakiin hadda, sida aad indhahaaga ku arkaysid, si kalsooni leh ayaan ugu shaqeeyaa, bulshadana waan uga faa’iideeyaa wixii aan bartay. Intii lagu gudo jiray maalmihii ciidda, aniga iyo ardaydii ila dhigatay waxaan si bilaash ah ugu shaqeynay qaybo ka mid ah bulshada kuwaas oo aan awoodin kharashka qurxinta. Maanta waxaan u shaqaynay in ka badan 65 dumar ah oo ay ku jiraan gabdho da’yar ah. Waxan rajaynayaa in aan halkaa ka sii wadno, aan abuurno ganacsi noo gaar ah isla markaana noqono hal-abuureyaal ganacsi oo caan ah. Alle ha noo aqbalo.

Waxaan jecelahay in aan u mahad celiyo hay’adda waddaniga ah ee Somaliland Y-PEER iyo hay’adda caalamiga ah ee ISF oo suurto geliyey in aan helno fursaddan qaaliga ah.