Kufsigu waa Tacadi ka dhan ah xuuqda bini-aAdanka iyo sharaftiisa (Waxa soo saaray: Amplifying civil society voice on GBV coalition members in Somaliland)

Kufsigu waa Tacadi ka dhan ah xuuqda bini-aAdanka iyo sharaftiisa (Waxa soo saaray: Amplifying civil society voice on GBV coalition members in Somaliland)

Kufsigu waxa uu ka mid yahay xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadamah, kaasi oodhaawac weyn soo gaadhsiiya sharafta, caafimaadka iyo maskaxda qofka dhibtu ku dhacday.Badanaa waxa kufsiga ku kaca dhallinyarada iyo raga kooxa mashaqsi ah kuwaasioo u gaystahaweenka, carruurta iyo gabdhaha. Kufsigu waxa uu saameyn togan ku leeyahay caafimaadka, nafsiyeed iyo bulsho ahaaned ku waada saamayntoodu noqoto mid dhow iyo mid wakhti dheerqaadata.

Khataraha caafimaadee soo waa jaha qofka la kufsadaywaxa ka mid ah in uu qofka la kufsaday qaado xanuunada galmada la isku gudbiyo sida HIV/AIDs-ka, jabtida, xabada iyo joonis ka kuwaa soo dhammaan tood b qofku si dhib yar u qaadi karo.

Sidoo kale waxa ka mid ah xanuunada la soodarsikaraqofka la kufsaday in haddii ay inantumarkahorebalagusameeyeygudniinkagaarahaankuwaaad u adag in ay halkaas ka soogaadhaannabaro ka dhashaxooga la isticmaalayowakhtigagalmadadhacayso. Sidoo kale waxa la soodarsa in qof aya sii baan dhibaatooyin caafimaad ku was muddo dambe kusoo baxa qofka kufsigu kudhacay.

Marka laga yimaado khatara ha caafimaad ee la soo darsa qofka la kufsaday, sidoo kale waxa uu qofka kudhaca mid nafsiyeed taasi oo xanuunka dhibtiisu in tabadan ku abuura qofka murugoi yo ciil, taasi oo saamey balaadhan ku leh mustaqbalkiisa dambe, haday noqoto dhinaca guurka iyo midka xidhiidhka bulshada dhexdeed oo uu qofku kala kulmi takooriyo cay joogto ah oo ka timid dhibaatada ku dhacday.

Sidoo kale dhibtu kuma koobna qofk ee waxa kale oo la wadaaga bulshada iyo qoyska uu qofku la noolyahay, taasi oo qaranka saameyn weyna kuleh hadday noqoto dhinaca dhaqaalaha, xidhiidhka bulshada, garsoorka iyo ammaanka laftarkiisa oo ay dadka la soo deristo cabsi weyni.

Kufsiyadda ka dhaca Somaliland ayaa waxa beryahan dambe soo kordhayey kufsiwada-reedka kaasi oo koox dhallinyaro ah u gaystaan gabadh, kaasi oo laga yaabo haddii uu mid ka mid ah dhallinyaradaasi uu qabo xanuun in kuwa kale si dhibyar ugu gubdo gabadha la kufsaday iyo kooxda kufsiga gaysatayba. Iyadoo gabadha la kufsaday ay soo gaadhay dhibi ayaa inta waxay odayaasha dhaqanku in tabadan ku xaliyaan dembiyada la xidhiidha kufsiga hab dhaqan kaasi oo gabadha la kufsaday loo guurininki kufsaday, taasi sii abuurto dhibtii soo gaadhay dhib ka badan oonafsiyeed. Guudahaan dunida waxay ka soo horjeedaa gebi ahaan ba kufsiga oo saamayn togan iyo tabanba kuleh nolosha bani-aadamka.

In kasta sida xaqiiqda ah ay adagtahay in la cabiro kiisaska kufisga aad na aan layskug wargalin, warbixin ay soo saartay SIHA(2015) ayaa shaca kaqaaday in kiisaska kufsiga ee ugaarka kufsi wadareedka ayaa si aad u baahsan uga dhaca magalada Hargeisa iyo meelaha tuuloyinka ah. Wax dhacda badana in dhalinyartu ay hablaha ku balamaan meel aad uga baxsan xafadooda, halkaas oo ay ku sugayaan qaar kale oo saaxiibadiya taasina ay keento in gabadhi si wada jir ah loo kufsado, mararka qaar wax dhacda in ay inanta ay kufsadan 15 ila 20 nin. Wax yabaha ugu badan ee ka qayb qaata in ay dhacan dhaman wax yabaha kor ku xusan wax ay noqonaysa dhaqaanka iyo la xiisaabtan la,aanta, iyo iyada oo aanay jirin siyaasad cad oo wax laga qabaanaya dhaqamada xun ee bulshada dhexdeeda ka jira, isticmaalka qaadka iyo shaqo la,aanta ka jirta wadanka .

Xal u helidda kufsi ayaa waxay ku doodaan ururada Bulshada ee had iyo jeer u dhuun dalloola arrimaha tacadiyada ka dhan ka lamaanuhu in ay tahay sida ugu wanaagsan ee waxa looga qaban karaa tahay in dhammaan dacwaddaha la xidhiidha arrimaha kufsiga aanay xalinkarin odayaasha dhaqanku oo inta badan badbaadiyaama u xagli dhinaca dhibgeystaha.

Sidoo kale ururada Bulshada iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo iskaashanayaa waxay sameeyeen xeer lagu xakamaynayo kufsi oo aanay wali ansixin golaha xeerdejintu.

Sharcigan ayaa waxa uu meel mariyanaa sidii xal sharci oo waara loogu heli lahaa dhibaatada kufsi oo muddooyinka dambe ku soo badanaysa geyida Somaliland.

Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa bulshada reer Somaliland in ay ka shaqeeyaan horumarinta xuquuqdaa adamaha, joojinta xad gudubyada ka dhanka jinsiga, joojinta kufsiga iyo joojinta caadooyinka dhaqanka xun ku salaysan ee bulshada haysato.

Sidoo kale waxaanu u baaqaynaa Golaha Sharci Dejinta iyoHa’yaddaha ay khusayso arrimaha la xidhiidha sharci u samaynta Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsigaee Somaliland in ay dar-dargaliyaan sidii loo meel marin lahaa xeerkaasi oo wax weyn ka tari donna arrimaha kufsiga.

Ururada bulshadaee ka shaqeeya arrimaha horumarinta lamaanaha iyo tacadiyada ka dhanka lamaanuhu waxay ugu baaqayaan saxaafada, ururada bulshada, bulshada reer somaliland, madaxdadawladda, odayaasha dhaqanka, golayaasha sharcidejinta iyoculimaddu in ay bulshada ka wacyi-geliyaan arrimaha la xidhiidha kufsi sidii loo joojin lahaa iyo sidoo bulshada aqoontooda kor loogu qaadi lahaa.

Waxasoosaaray: Amplifying civil society voice on Gender Based Violence coalition members in Somaliland

Leave a Reply

Close Menu